Diyaarad Gaar Ah Oo Sidey Sheekh Mukhtaar Roobow Abuumansuur Oo Kasoo Degtey Garoonka Magaalada Muqdisho

Diyaarad gaar ah oo sidey Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuumansuur ayaa maanta gelinkii dambe kasoo degtey Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya iyo Taliye ku xigeenka Nabadsugidda qaranka ayaa Sheekh Mukhtaar kasoo raacey magalaada Xudur ee Gobolka Bakool halkaas oo wadaadka saake lagu soo dhaweeyey.

Waxa jira warar sheegaya in la xanibey isu socodka Garoonka markii ay soo degeysey diyaaradda gaarka ah, arintaas ayaa waxa loo sababeeyey in dadka ka shaqeeya Garoonka laga qariyey diyaaradda wadaadka uu saarnaa.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Afahayeenkii hore ee kooxda Shabaab ay la wareegeen markii uu kasoo degay Garoonka Muqdisho Saraakiil cadaan ah oo kusugeysey gudaha Garoonka.

Sidoo kale Wadaadka ayaa lagu waramayaa in lagu haayo Xero Milateri oo Saraakiisha Mareekanku ay ku leeyihiin gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE