Madaxda Dowladda Fedaraal Oo Shuruud Adag Ku Xirey Taaba-galka Shirka Ay Wadaan Ibraahin Cali Xaaji Iyo Dagaal-Ooge Indhacade (Xog)

War hoose oo ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa ku waramaya in shuruud adag lagu xirey qabqablayaal iyo dagaal-oogayaal dhawaan kulan la qaatey Madaxda dowladda Fedaraalka.

Shirka oo ka dhacey madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ka qeybgalay qabqablayaal Beesha Biimaal iyo dagaal-oogayaal u dhashey Habargidir oo qeyb lixaad leh ka qaatey dagaalada barakicinta iyo dhul ballaarsiga ka wada Shabeelada hoose.

Kooxdan oo ujeedooyin gaar ah ka leh Shir ay sheegeen inay isugu keenayaan Beelo ay sheegeen inay ku dagaalameen Shabeelada hoose, ayaa waxa ujeedada ugu weynna ay tahay in dhaqaale fara badan lagu qaato heshiiska ay sheegeen.

Madaxda qaranka ayey isku dayeen in ay ka dhaadhiciyeen heshiiska ay wadaan, waxaana madaxda dowladda ay shuruud adag ku xireen heshiiska ay wadaan iyo sida uu ku socon karo.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo si dhow ula socda jahawareerka ka jira xaga dhaqanka ee Beesha Biimaal iyo aaminaad la’aanta dagaal-oogayaal aan wax horumar ah ka keeni karin dib u heshiisiin ka taaba gasha Gobolka ayaa hordhigey hal Shuruud.

Shuruuddan oo aan si hoose ku helnay ayaa laga yaabaa in ay is hor taag ku sameyso dadaalada dhuuni raaca ah ee ay wadeen Yuusuf Indhacde iyo maafiyadiisa oo lagu xasuusto dhibkii ay ka geysteen Shabeelada hoose.

Sida ay sheegeyso xogta Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegey Kooxaha ay kala hogaaminayeen Ibraahin Cali Xaaji iyo Yuusuf Indhacade in qorshahooda uu socon karo hadii aanay wax cabasha ah ka imaan sida ay wax u wadaan.

Waxa loo sheegey in ay jiraan dad kala duwan ay dhaliilo ka qaba sheekada ay wadaan, loona baahanyahay in la qaato tallooyinka iyo Cabashooyinka ay qabaan dadka Shabeelada hoose oo aanu u cuntamin waxa ay wadaan.

Durbaba waxa muuqda in qeyla dhaan iyo cabashooyin ay ka horyimaadeen dadaalada socdey oo loo arkey kuwo meel xun kasii ridaya rajada Shacabka Shabeelada hoose.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE