Mukhtaar Roobow Oo Ogolaadey In Uu Isu Soo Dhiibo Dowlada

Wadaadka Gadoodsan ee Sheekh Mukhtaar Roobow Abuumansuur oo maalamihii lasoo dhaafey dagaal adag kula jirey Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa la sheegayaa in uu ogolaadey Wadahadal.

Shir kooban oo shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka Xudur ayaa wadaadka waxa lagu qanciyey in uu kusoo biiro dowlda fedaraalka.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in saake aroortii Mukhtaar Roobow iyo Madax ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed lagu soo dhaweeeyey magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool.

Xudur ayaa waxa ku sugan sida wararku sheegayaan Wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Soomaaliya oo shir kooban la qaatey Sheekh Mukhtaar markii uu halkaasi soo gaarey.

Warar aan la xaqiijinkarin hase ahaate laga soo xigtey ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Diyaarad gaar ah loo direy Abuu Mansuur si loo keeno magaalada Muqdisho.

Lama oga sida laga yeelayo xaalada Ciidamada daacada u ah Wadaadka isku soo dhiibey dowlada, iyadoo wararka warbaahinta ay heleyso uu sheegayo in Ciidamadiisa ay weli ku suganyihiin duleedka Xudur

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE