Shirka Ka Talinta Aayaha Beesha Biimaal Oo Lagu Qabtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Shirka ka talinta aayaha Beesha Biimaal oo ka dhacey magaalada Muqdisho ayaa waxa kasoo qeyb galay marti sharaf kala duwan.

Gogoshan oo ah tii labaad oo looga hadalayey sidii mowqif mideysan Iyo hogaan sax ah  ay u yeelan laheyd Beesha ayaa waxa kasoo qeyb galey Culimaa’udiin, Nabadoonno, Waxgarad, Aqoonyahaan, Haween, Siyaasiyiin, Xubno ka socda dowladda dhexe oo u dhashay Beesha Biimaal, iyo hal xillibaan oo ka socdey Maamul goboleedka Koonfur galbeed iyo marti sharax kale sida xubno ka socda jaaliyadda oo door weyn ka qaatey qabsoomidda shirkan.

Inta badan marti sharafta goobta ka hadashey ayaa soo jeediyey Aragtiyooyin iska ag dhow oo qof walba aragtidiisa uu u arkey in ay tahay midda uu ku jiro xalka.

Gababadii Shirka ayaa waxa laga soo xuley gudi ka kooban ilaa 15 xubnood oo aruurisa fikradaha kala duwan ee goobta laga jeediyey, islamarkaana shirka soo socda la timaada waxa leysku raacey iyo marjaca ugu dambeeya ee Beesha.

Suldaan Ibraahin Cabdulaahi Cadow ayaa shirka soo xirey, isagoo goobta ka cadeeyey in loo baahanyahay dadaad dheer iyo dulqaad si loo gaaro hadafka.

lo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE