Deg Deg Gudoomiye Cabdulaahi Waafow Oo Ka Degay Magalaada Baydhabo

Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa goordhow oo maanta ah ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mudane Waafow oo diyaarad gaar ah ay ka qaadey Garoonka diyaaradaha ee degmada Nambar 50, ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Col Shaati Guduud ee magaalada Baydhaba.

Warbixin ay heleyso Markacadey.com ayaa sheegeysa in Gudoomiye Waafow halkaas uu u gaarey marti qaad uu ka helay Madaxaweynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Xildhibaannada Beesha Biimaal ee Koonfurgalbeed.

Waxaan soo gudbin doonnaa Sawiro iyo Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan socdaalka Waafow ee Baydhabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE