Kulan Lagu Taageerayey Ansaxinta Golaha Wasiirada Koonfurgalbeed Oo Lagu Qabtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Xildhibaanada Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta ansaxiyey golaha Wasiirada ee dhawaan uu soo dhisey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano iyo Sanataro ka tirsan dowladda fedaraalka oo laga soo doortey K/galbeed ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku taageereen Dhismaha Wasiirada Koonfur galbeed iyo ansixintii maanta ay ansaxiyeen Baarlamaanka Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada Koonfur galbeed ee maanta helay Kalsoonida Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay wax badan ka bedelaan hanaanka maamul, maadaama mamaulka lagu eedeeyo inay wax badan ka qaldanyihiin. 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE