Shirka Wadatashiga Iyo Aaya-katalinta Beesha Biimaal Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Shirkii wadatashiga ahaa iyo aaya ka talinta Beesha Biimaal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirka maanta oo gabagabo iyo gunaanad u ahaa Shirar hore looga hadlaayey aaya ka talinta Beesha ayaa ka socdey Muqdisho,  waxaana shirarka laga soo saarey qodobo loo arkey inay dhaxal gal u yihiin Midnimada Beesha Biimaal.

Magaalada Muqdisho oo lagu qabtey shirkii maanta ayaa waxa kasoo qeyb galay marti sharaf gaareysa 320 qof oo isugu jira Culimaa’udiin, Waxgarad, Nabadoono, Aqoonyahaanno, Siyaasiyiin, haween iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale shirkii maanta waxa kasoo qeyb galay Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu hogaaminayey Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Ibraahin Baajuuni.

Dad kala duwan oo goobta ka hadlay ayaa dhamaan soo dhaweeyey Shirka iyo qodobadii laga soo saarey, waxaana ay ku baaqeen sii wadidda dadaalada lagu raadinaayo Midnimada iyo aayaha Beesha.

Waxa shirka soo xirey Suldaan Ibraahin Cabdullaahi Caddow oo dhigay dhowrkii shirar ee lasoo qabtey.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa Sawiro iyo muuqaallo ku saabsan shirkii maanta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE