Ciidamada Dowladda Oo Fariisin Ka Sameystey Deegaanka Bariire Iyo Howlgal Caawa Halkaasi Ka Socda

Ciidamada dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta Maleeshiyada Alshabaab kala wareegey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Deegaanka Bariire oo magaalada Muqdisho qiyaas ahaan 50 km u jira ayaa wararka caawa aan halkaasi ka heleyno waxa uu sheegayaa in Ciidamada dowladda ay wadaan baaritaano culus oo ay kaga gol leeyihiin inay kusoo qabtaan hub iyo saaanad ciidan oo ay ka tageen Alshabaab.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Ciidamo dheeraad ah oo loo diyaariyey Bariire ay gaareen Xerada Laanta-buuro, iyadoo lagu soo waramayo in Ciidankaas maalinta berita ah ay bedeli doonaan Ciidamada huwanta ee maanta la waregey Deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in fariisimmo cusub ay sameysteen Ciidamada Bariire qabsadey, waxaana Alshabaab looga awood roonaadey dagaal maanta lala galey.

Deegaanka Bariire ayaa dhowr jeer oo hore waxa ka dhacey dagaallo iyo duqeymo lagu laayey horjoogayaal kooxda Alshabaab ka tirsan, waxa sidoo kale marar hore dhacdey in dagaallo lagu qaado dibna looga soo baxo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE