Dagaal Culus Oo Ka Socda Awdheegle Iyo Ciidamada Dowlada Oo La Wareegey Degmooyin Dhowr Ah

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halka
as saake uu ka socdo dagaal culus.

Dagaalka oo lagu qaadey degmooyinka Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa qaadey Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo maalmahan dhaqdhaqaaq ciidan ka wadey Xerada Laanta buuro.

Wararka aan heleyno ayaa ku waramaya in Ciidamada dowlada ay dagaal kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale dagaal culus ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Bariire oo aan wax badan ka fogeyn Awdheegle halkaas oo Maleeshiyada Alshabaab ay isku dayaayaan inay difaacdaan.

Wixii warar ah ee nagu soo kordha halkan ayaan kusoo gudbin kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE