Maleeshiyada Alshabaab Oo Caawa Qax Ka Bilaabey Gendershe IyoJilib, Qoysas Tira badan Oo La Geeyey Magaalada Marka (Xog)

Wararka caawa aan ka heleyno qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas laga dareemayo dhaqdhaqaaq ay wadaan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Sida ay sheegeyso xog caawa aan ka helnay deegaanada ku yaalla Xeebta u dhaxeysa Marka iyo Muqdisho sida Gendershe iyo Jilib-Marka ayaa Shabaabku waxay bilaabeen in ay qaxaan oo deeganaada ay baneeyaan.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Caruur iyo Haween badan oo Alshabaab u joogey qaar ka mid ah deegaanada Xeebta la geeyey magaaalada Marka si ay ugu noolaadaan, maadaama Maleeshiyaadka ay baxsad yihiin.

Waxa la sheegayaa in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay bilowdey dowladda fedaraalka,  iyagoo ka cabsi qaba in weerar kedis ah lagu soo qaado deegaaanda ay gabaadsanayaan.

Inta badan deegaanada Shabeelada hoose ayaa waxa ka bilowdey dagaallo lagu xoreynayo degmooyinka iyo deegaanada ay maamulaan Kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE