Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaara Dhaliyey Oo Ka Dhacey Magaalada Buuhoodle

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee gobalka cayn ayaa sheegay in Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhimatay iyada oo ay tiro kale ku dhaawacmeen kaddib markii magaaladaas ay maanta ku dagaallameen Ciidamo ka wadatirsan maamulka Khaatumo.

Maamulka Khaatumo ayaa u kala jabay labo garab kaddib markii madaxweynaha Maamulkaas Cali Khaliif Galleyr uu dhawaan heshiis siyaasadeed la galay maamulka Somaliland iyada oo qeyb kale oo ka mid ah Khaatumana ka biya diideen heshiiska Somaliland iyo Cali Khaliif.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Khaatumo C/Risaaq Mahdi ayaa sheegay in dagaalkii maanta dhacay ay saddex ruux ku naf weysay sidoo kalena ay dad kale ku dhaawacmeen.

Xiisad dagaal ayaa haatan ka taagan Magaalada Buuhoodle iyadoona laga filan karo dagaal culus oo mar kale ka qarxa Magaaladaasi, maadaama uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Labo Masuuliyiintii Maamulkaas aan aqoonsiga heysan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE