Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibadda Somaliland Oo Soo Gaarey Magaalada Muqdisho

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa maalintii labaad ku sugan magaaladan Muqdisho, waxaanu kulan uu la qaatay Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Lama hubo ujeedada safarka Waaiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, balse ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu ka qaybgalay Shir lagaga hadlayay amniga Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu ka dhoofi doono magaalada Muqdisho islamarkaana uu dib ugu laabto Hargeysa

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo Jamhuriyadda Somaliland meel adag ka taagneyd shirarka ka dhacaaya Muqdisho, waxaana Madaxda Somaliland ay ku celceliyaan in aanay quseyn shirarka ay garwadeenka ka tahay dowladda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE