Janaraal Cabdulaahi Waafow Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtey Baydhabo, Sheegeyna Inuu Nabad Usoo Qaadey Shacabka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Gudooniyaha Degmada Nambar 50 Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Baydhabo kaga hadlay arimo dhowr ah oo kala duwan.

Janaraalka oo maalmahan safar ku joogey magaalada Baydhabo ayaa marka hore faafaahiyey safarka uu ku joogo Baydhabo waxaana uu sheegey in arimo ku aadaan Gobolka Shabeelada hoose uu halkaas uu tagay, waxa kaloo uu sheegey in is afgarad ay ku dhamaadeen kulamo uu la qaatey Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Baydhabo jooga.

Shirkiisa jaraa’id ayaa arimaha ugu badan ee kaga hadlay ayaa waxa ka mid ah Nabad iyo xasilooni kusoo dabaalidda Gobolka Shabeelada hoose, waxaan uu sheegey in Beesha Biinaal oo hogaankeeda uu yahay uu usoo qaadey NABAD.

Waxa uu tilmaamey in talada ay ka go’do Beesha Biimaal islamarkaana uu dib ugu soo laaban doono Tolkiisa si ay  uga tashtaan Nabadda uu usoo Qadarta.

Waxa uu intaa ku darey in ay jiri doonaan dhowr gogol oo looga hadli doono Arimaha Nabadeynta hase ahaatee ay ugu horeyn doonto Gogol wadatashi ah oo  ay isugu imaan doonto Beesha Biimaal.

Mudane Waafow ayaa ugu baaqey Shacabka Gobolka Shabeelada hoose in ay ka wada shaqeeyaan horumarka iyo nabadda isagoo meesha ka saarey in Shacabka ay waayaan Mirihii Xoriyadda ee muddo shan Sana ah ay u dagaalamaayeen.

Mar uu ka hadlaayey la dagaalanka Kooxda Shabaab ayaa Janaraalku sheegey in ay socdaan dagaaladii dib looga xoreyn lahaa Alshabaab deegaanada ay maamulaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE