Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Qaahira (Sawiro)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaaray  magaaladda Qaahir ee xarunta  dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha  ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalk, waxayna  isku afgarteen dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE