Dhageyso Eng Cabdulaahi Buuni “Waan Taageersannahy Nabadda Janaraal Waafow Uusoo Qaadey, Laakiin Kama Tagin Raadinta Xuquuqda Naga Maqan”

Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee Beesha Biimaal ayaa soo saarey warbixin uu ku taageeraayo Nabadda uu ku baaqey Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow.

Eng Cabdulaahi Buuni ayaa sheegey in marka hore ay soo dhaweenayaan Baaqa Nabadeed ee uu ku baaqey Janaraal Waafow, isagoo tilmaamay in Beesha Biimaal lagu yaqaano Nabad iyo ixtiraamka deriskeeda.

Waxa ka dhawaajiyey in Beesha ay dadaal u gali doonto sidii ay usoo dhacsan laheyd xuquuqdeena, waxaana meesha uu ka saarey in ay ka tagaayaan xuquuqda ka maqan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE