Dhageyso Warbixin Dowladda Soomaaliya Oo Beesha Caalamka Ku Eedeysey Inay Kasoo Bixi Waayeen Balamo Ay Horey U Qaadeen

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku eedeysay beesha caalamka inay ka soo bixi waayeen ballanqaadyaddii taageero dhaqaale ee loogu fidiyay Dowladda.

Dowladdu waxay ay sheegtay in ballan-qaadyada la fulin waayey ay ku jiraan kuwii ku xusnaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Soomaaliya loogu qabtay London, bishii May ee sanadkan.

Hadalkan ayey dowladdu ka sheegtay shir maanta ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen madaxda dowladda iyo wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre, waxayna Dawladdu sheegtay in loo baahan yahay in la iswaydiiyo waxa qabsoomay, Waxayna soo Bandhigeen Halka ay Soomaaliya u socoto iyo Waxyaabaha u Qabsoomay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE