Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Furey Mid Ka Mid Taallooyinkii Taariikhiga Ahaa Oo Dib U Habeyn Lagu Sameeyey (Sawiro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu daah furey dib u habeyn lagu sameeyey mid ka mid ah taallooyinka taarikhiga ah ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taallada Axmed Gurey oo ku talla Isgoyska Km4, ee magaalada Muqdisho oo loo habeeyey hab casri ah ayaa Gudoomiye Thaabit uu sheegey in dib u habeynta lagu sameeyey taallada ay wax badan ka bedeli doonto bilicda caasiamdda.

Gudoomiyaha ayaa amaanay qaabka qurxoon ee loo sameeyey Taalada Axmed Gurey isagoo dhinaca kale balalan qaadey in ay furayaan mashruucyo dib u habeyn loogu sameynayo taallooyinka taarikhiga ah ee ku yaalla caasiamda iyo goobaha lagu nasto ee bari samaadkii Magaalada ku yiilley.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE