Ciyaar Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Dhiiro-Gelinaayey Dhalinyarada Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Magaalada Marka (Sawiro)

Ciyaar kubadda cagta ah oo lagu dhiiro gelinaayo dhalinyarada ku dhaqan magaalada Marka ayaa waxa lagu soo gaba gabeeyey Xaafadda Horseed ee isla magaalada Marka.

Ilaa 12 Kooxood oo ka kala yimid Xaafado dhowr ah ayaa ka qeyb galay tartanka Abaal-marinno lagu bixiyey, oo dhiiro gelin ay ka heleen dhalin yaro fara abadan oo ku habsaamey Colaadda.

Usbuucan dhexdiisa ayaa laba kooxaad oo kasoo baxay 12-kii kooxaad oo tartanka ka qeyb qaatey ayaa foodda is darey, waxaana ugu dambeyn guushu raacdey mid ka mid ah kooxaha loolamaayey.

Garoonka uu ka socdey tartanka ayaa galab walba waxa u daawasho tagi jirey ciyaaraha socdy dad weyne badan oo taageerayaal u ah kooxaha loolanka uu ka dhaxeeyey.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo Xubno ka tirsan Ururka Horumarinta bulshada ee Degmada ayaa ka qeyb galay Xafladda abaal marinta lagu bixinaayey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE