Dowladaha Sacuudiga Iyo Iiraan Ayaa Heshiis Hordhac Ah Ka Gaarey Khilaafkii Diblumaasiyadeed Ee U Dhaxeeyey

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Javed Zarif ayaa Arbacadii shalay sheegay in wafuud ka kala socda dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga ay is weydaarsan doonaan safaro diblomaasiyadeed oo dhawaan labada dal ku tagi doonaan.

Javed Zarif oo la hadlayay wakaalada wararka ee dalka Iiraan ayaa sheegay in booqashada ay dhici doonto marka uu dhamaado waqtiga Xajka, todobaadka ugu horeeya ee bisha soo aadan ee September.

Wasiirada Arrimaha dibadda Iiraan iyo Sacuudiga ayaa 1-dii bishan ku kulmay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay magaalada Istanbul.

Booqashada ayaa noqon doonta calaamadii u horeysay ee xiriir oo labada dal dhex marta, tan iyo markii xiriirkooda uu xumaaday sanadkii hore.

Xiriirka labada dal ayaa gaaray heerkii ugu xumaa ee sanado, kaddib markii ay labada dhinac isku eedeeyeen xiisadaha iyo amni darada ka taagan gobolka, sida Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, iyagoo kala taageeraya dhinacyada isku haya dalalkaas.

Sacuudiga iyo dalal badan oo Islaam oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sanadkii hore xiriirka u jaray Iiraan, iyagoo diblomaasiyiintooda ka eryay dalalkooda, waxaa ay ku eedeeyeen in Iiraan ay fara gelin ku heyso Sacuudiga iyo dadka Suniyiinta ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE