Isku Aadka Koobka Champions League Oo Lasoo Saarey, Iyo Kooxo Waaweyn Oo Isku Beegmey

Magaalada Monaco ayaa martigalisay xaflad weyn oo lagu bixinayay abaalmarino sidoo kalana lagu sameynayay isku aadka wareega group-yada Champions League waxeyna aheyd madal uu qof walba si weyn ula socday.

Isku aad weyn ayaa kasoo baxay iyadoo afar group ay ku kulmeen kooxo waaweyn oo dab ka shidi doona qaaradda yurub, inkastoo group-yada badankood ay laba koox oo waaweyn ku kulmeen hadana group-ka H ayaa lagu tilmaami karaa mid wada holac ah madama sadex kooxood oo mug leh ay isugu yimaadeen marka laga fiiriyo marxaladda waqtigaan waxaana ku kulmey Real Madrid, Borrusia Dortmund iyo Tottenham Hotspur.

Barcelona iyo Juventus ayaa dib isku arki doona kuwaas oo quarter final-ka Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isku arkay markaas oo 3-0 lagu suldaaray kooxdii Luis Enrique ee waqtigaas labadii lug.

Neymar Junior wuxuu wajahi doonaa tijaabo adag madama kooxdiisa ay group-ka B kula kulmeyso Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu miisaanka culus qaaradda yurub halka group-ka C ee ay ku wada jiraan Chelsea, Atletico Madrid iyo As Roma isna uusan aheyn mid la dhayalsan karo.

Halkanhoose Kaga Boga iSKU Aadka Groupyada

GROUP A: Benfica, Manchester United, FC Basle, CSKA Moscow

GROUP B: Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Anderlecht, Celtic

GROUP C: Chelsea, Atletico Madrid, Roma, Qarabag

GROUP D: Juventus, Barcelona, Olympiacos, Sporting Lisbon

GROUP E: Spartak Moscow, Sevilla, Liverpool, Maribor

GROUP F: Shakhtar Donetsk, Manchester City, Napoli, Feyenoord

GROUP G: Monaco, Porto, Besiktas, RB Leipzig

GROUP H: Real Madrid, Borussia Dortmund, Tottenham, Apoel

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE