Madaxweynaha Jubbland Oo Xariga Ka Jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha Ee Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xariga ka jarey Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee deegaanada Jubbaland.

Maxjarkan oo laga hirgeliyey magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo laga furo Soomaaliya, islamarkaana ugu tayada fiicnaa xaga baarista Xoolaha tan iyo markii ay dhacdey dowladdii Soomaaliya.

Sida laga sheegey xafadladda dhismaha Maxjarkan ayaa waxa iska kaashadey Ganacsto isugu jirta kuwo Soomaaliyeed iyo kuwo u dhashay dalalka Carabta, waxaana la filayaa in marxjarkan lagu xanaaneeyo xoolo fara badan oo loo dhoofin doono dalka dibadiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhismaha Maxjarka Kismaayo laga furey ku tilmaamey mid muhiim u ah dadka iyo deegaanka, isagoo sidoo kale u mahadceliyey cidda ka qeyb qaadatey dhismahiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE