Dhageyso Nabadoon Tima-gaduud Oo War Kasoo Saarey Baaqa Nabadeed Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Nabadoon Maxamed Abuukar Timagaduud oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee Beesha Biimaal ayaa war kasoo saarey baaqa nabadeed ee dhawaan uu jeediyey Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow).

Timagaduud ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan arimaha Nabadda ee lagu baaqey, isagoo tilmaamay in ay Nabadu tahay wax aan la diidi karin hase ahaatee aan la aqbali karin in leys dulleysto.

Nabadoonka oo hada ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo gudanaya waajibaadka Xajka ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay mira dhalka dadaalada Nabadda, laakiin waxa soo hadal qaadey in qaadashada nabadda aanay ahyen in laga tagey xuquuqda lana dhigey hubkii lagu raadinaayey Madax banaanidda deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE