Wafdi Uu Hogaaminayo Ku Xigeenka Qaramada Midoobe Oo Soo Gaarey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Xogayaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jeffrey Feltman ayaa waxa lagu wadaa in Madaxda Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya uu kala hadlo arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Siyaasadda, horumarinadii kala duwanaa ee la gaarey, waxa hortaagan dib u eegista Dastuurka dalka iyo sidii loo gaari hal qof iyo hal cod doorashada soo socota.

Waxa hadda socda kulan u dhaxeeya Ku xigeenka Qaramada Midoobe ee arimaha Siyaasadda, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Arimaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka aqalka sare iyo ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE