Weerar Fulleynima Ah Oo Caawa Lagu Soo Qaadey Duleedka Nambar 50 Iyo Maleeshiyada Alshabaab Oo Dagaal Jab Uu Ka Raacay La Kulmay

Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Fida-muuse ee duleedka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu soo qaadey eerar gaadma ah.

Sida wararku sheegayaan weerarka oo ahaa mid kooban ayaa waxa lagu soo weerarey fariisin Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay ku lahaayeen deegaanka Fida-muuse, halkaas difaac adag uu yiiley Ciidamada.

Ciidamada halkaasi saldhiga ku lahaa oo heegan ugu jirey weerarada naf-lacaarinada ah ee kooxda Alshabaab ayaa kala dhumiyey kooxdii isku deyga sameysey, waxaana ay raac-cadeysteen ilaa deexda deegaanka Muuri.

Deegaanka Fida-muuse ayaa u dhaxeeya degmada Nambar 50 iyp deegaanka Muuri, waxaana saldhig ku leh guuto ka tirsan Ciidamada Koonfur galbeed, halkaas o ay ka difaacaan dadka shacabka ah ee ku barakacay colaadda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE