Xulafada Dalka Sacuudiga Oo Duqeymo Ku Qaadey Goobo Ay Degenyihiin Dad Rayid Ah

Inta la ogyahay Ugu yaraan 35 qof ayaa lagu diley caasimadda dalka Yaman ee Sanca, kadib markii diyaarado dagaal oo ay adeegsadaan xulafada Sacuudiga ay duqeeyeen.

Dadka geeriyoodey ee lala dhacay duqeymaha ayaa u badan dad rayid ah, sida ay ku soo waramayaan ururada caafimaadka ee ka howlgalo dalka Yaman.

Wararku waxay sheegayaan in laba duqeyn oo dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Xuladafada Sucuudiga ay bartilmaameed ka dhigteen Hoteel yar oo ku yaala deegaanka Arxaab ee Waqooyiga Sanca.

Xuseen al-Dhawil oo ka tirsan hay’dda Bisha Cas ayaa sheegaya in dhaawaca Isbitaalka yaala uu ka badan yahay 13 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Malayshiyaadka falaagada ee Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya caasimadda Sanca ee Yemen tan iyo sanadkii 2014, waxaana ay weerarkan ku eedeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga.

Xaaladda dalka Yemen ayaa maraysa halkii ugu xumeyd, waxaa dalka ka dilaacay daacuun, macaluusha iyo gaajaduna waxay noqotey mid soo ridata kumaankun qof. Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa xaaladda dalka Yemen ku tilmaantey xaalad aad u ba’an oo aan horey loo arag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE