Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Baaqii Nabadeed Ee Janaraal Cabdulaahi Waafow Oo Ka Dhacay Magaalada Marka iyo Deegaanka Ceeljaalle (Sawiro)

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose iyo deegaan weynaha Ceeljaale ayaa maanta waxa lagu qabtey dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo baaqii nabadeed ee dhawaan uu jeediyey Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow.

Dibadbaxayaasha ayaa Cod dheer ku taageeray in Beesha Biimaal ay Nabad ka qaadato colaadii shanta sano ka socotey Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ay ku baaqeen in xil leyska saaro sidii looga dhabeyn lahaa balan qaadyada Nabadda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE