Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xaliyey Khilaafkii Ka Taagnaa Gudoomiyaha Golaha

Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa ku guulaystay in lasoo Afjaro Khilaafkii ka dhashay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Wuxuuna sheegay inay Aqbaleen inuu Baashe Maxamed Faarax yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Baashe Maxamed Faarax oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu go’aankaasi uu yahay mid Badbaado u ah Golaha Wakiilada, Islamarkaana uu Khilaafku soo sidaas ku dhamaaday.

C.raxmaan Talyanle oo ahaa Musharixiii laga guulaystay ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga Tanaasulay Kursigii Baarlamaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE