Howlgal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Bariire Iyo Horjooge Sare Oo La Diley (Warbixin)

Wararka saake aan ka heleyno deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda fedaraalka iyo Saaxiibadooda ku wada sugan deegaanka Bariire.

Howlgalka oo lagu qaadey Beer ku taalla Deegaanka Bariire oo uu xoog ku haaysto Nin lagu magacaabo Xuseyn Mooryaan ayaa wararka aan heleyno ay sheegayaan in dagaal khasaare geystey uu ku dhex maray Ciidamada huwanta iyo Maleeshiyada Alshabaab oo saldhig ku lahaa Beerta uu xoogga ku haaysto Xuseyn Mooryaan.

Sida aan ku heleyno wararka dagaalka ayaa yimid ka dib markii weerar fashilmay uu ka dhacay meel duleedka ka ah degmada Nambar 50, oo ay soo wareerareen Maleeshiyada Alshabaa, ka dibna ay dib ugu laabteen saldhiga ku yaalla Beerta ayaa weerarka hore waxa la socdey dhaqdhaqaaqiisa Ciidamada fariisinka ku leh Bariire.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxa kasoo baxaya warar kala duwan, khasaaraha soo gaarey Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa gaaraya sida aan xogta ku helnay ilaa 12, oo dhimasha ah iyo dhaawac intaasi kasii badan, halka ay jiraan ilaa todoba qof oo nolosha lagu kaxeystey.

Xog aan ka helnay khasaaraha dagaalka ee dhinka maleeshiyada Alshabaab ayaa sidoo kale sheegeysa in dagaalkaas uu ku dhintey horjooge lagu magacaabo Cali Waal oo Kooxda Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha Beeraleyda iyo boobka dhulka danta guud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE