Weeraro Loo Adeegsade Mindiyo Oo Ka Kala Dhacay Magalooyinka London Iyo Brussels

Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaadey koox Boolis ah caasimadda dalka Biljimka ee Brussels fiidnimadii Jimacada ee xalay, Bo

oliska ayaa toogtey ninkan, waxaana uu ku geeriyoodey Isbitaalka.

Ninka weerarka qaadey ayaa ahaa 30 jir, Qaar kamid ah warbaahinta dalka Beljimka ayaa sheegaysa in ninka weerarka qaadey uu ka soo jeedo dalka Soomaaliya, kamana mid ahayn kuwa Boolisku isha ku hayaan.

Sida laga soo xiganayo Mayorka magaalada Brussels Philippe Close waxaa weerarkan ku dhaawacmey saddex askeri. Mid kamid ah ayaa Isbitaalka la dhigay.

Dhinaca kale Nin ku hubeysan mindi ayaa isla habeenkii xalay dhaawac gaarsiiyey ciidamo ka tirsan Booliska Ingriiska. Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw aqalka Bqorotooyada ee Buckingham Palace magaalada London, fiidnimadii Jimacada.

Ninkan ayaa la sheegayaa in uu watey gaari, waxaana istaajiyey Booliska, gaarigiisa ayey ku arkeen mindi aad u weyn waxaana ay isku dayeen in ay qabtaan, kadibna wuu la dagaalemay Booliska. Boolisku waxay ku guuleysteen in ay qabtaan ninka mindida watey.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE