Xog Maleeshiyada Lagu Laayey Weerarkii Bariire, Nooca Weerar Ee Dhacay, Baroorta Habargidir Iyo Jahawareerka Madaxda Dowladda (Warbixin)

Habeenkii Khamiista ee Jimcaha soo galeysey weerar qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose, weerarka ayaa sida xogta lagu helay lagu qaadey Saldhig Kooxda Alshabaab ay ku dhex lahaayeen Beerta uu xoogga ku haaysto Xuseyn Mooryaan.

Ka Hor Weerarka, Ciidamada fuliyey howlgalka ayaa si dhow ula socdey dhaqdhaqaaqa ka jira Beerta iyo Kooxaha hubeysan ee halkaasi ku sugan, waxa ay hubiyeen shaqooyinka ay qabtaan ragaasi hubeysan iyo cidda ay ka amar qaataan.

Xogo kala duwan oo Markacadey.com ay ka heleyso Weerarka ayaa xaqiijinaya in ujeedada Weerarlkaas uu ahaa in lasoo afjaro Maleeshiyaad ay hubeeyeen Alshabaab oo fuliya weerarada gaadmada ah..

Illo Wareedyo kala duwan oo ku sugan Bariire ayaa noo xaqiijiyey in dadkii lagu laayey weerarka Bariire ay u kala dhasheen Beelo kala duwan, oo hal beel kaliya aanay kasoo jeedin.

Meydadka Goobta looga tagey ayaa gaaraya ilaa 12- Meyd sida xogta inteeda badan lagu helay, seddax ka mid ah Meydadka ayaa waxa ku yiiley Xabado badan, waxaana burburey qeybaha sare ee jirkooda, taas oo aanay suur gal u noqon karin in lasoo bandhigo.

Sagaalka ruux ee lasoo bandhigey ayaa sida wararka aan ku helnay u kala dhashay ilaa Beelaha kala ah, Raxan-weyn, Jiido, Biimaal Jareer-weyne iyo Habaargidir, dadka dhintey ayaa da’dooda ay u kala dhaxeysaa  18 sano jir ilaa 55 sano jir, dhamaantood wada hubeysnaa.

Meydadka lagu soo bandhigey Isbitaalka Madiina ayaa waxa ku jira laba dhalinyaro oo ku jira da’aada 18 sano jir, waxayna u dhasheen Beesha Jareer weyne.

Xogta aan helnay ayaa waxay noo xaqiijisey in dadka la laayey uu ku jiro hal Nin oo  habargidir ah oo kasoo jeeda Cadaado oo lagu magacaabo C/qaadir C/laahi Diiriye, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtey maamulkii deegaanka Bariire ee Kooxda Alshabaab, inta kale ee goobta ku dhimatey ay ahaayeen dad kale oo Soomaali ah hubeysnaa.

Waxa hubaal ah in Alshabaab ay caan ku tahay hubeynta Caruurta, iyadoo labada wiil ee ka muuqda Sawirada lasoo bandhigey ay ahaayeen kuwii Shabaabku ay hubeeyeen.

Nooca weerar ee Goobta ka dhacay ayaa waxa naloo xaqiijiyey in uu ahaa mid si xeeladeysan loo fuliyey, waxaana loo adeegsadey qoryaha bartilmaameedka leh, oo aan beerdarada ka dhigeynin ujeedka adeegsiga.

Saldhiga ayaa Ciidamada isgarab socdey ay ka qaateen hal qori oo nooca PKM-ka ah oo adeegsanayeen Maleeshiyada la weerarey, waxa kale oo jira hub fudud oo aan tiradiisa helin.

           Baroorta Habargidir Ee Weerarka Bariire

Deegaanka Bariire Todobaadkii lasoo dhaafey waxa ka dhacey howlgal deegaanka looga xoreeyey kooxda Alshabaab, howlgalkaas ayaa bilow u ahaa dagaal guud oo Maleeshiyada Shabaab looga saarayo Shabeelada hoose.

Fulinta Howlgalka Bariire lagu xoreeyey ma jirin wadatashi ama la socodsiin lala sameeyey Saraakiisha Habargidir ee sida Beeleedka uga midka ah Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, maadaama la ogyahay gabood-fallada ay kula kaceen Shacabka.

Ujeeda Habargidir ayaa ah inay muujiyaan sidey uga xunyihiin howlgal muddo socon doona oo aan iyaga wax shaqa ah ku laheyn, waxaana tani ay ka dhigantahay inay keenaan fursado ay kaga mid noqon karaan cidda hogaamineysa ama tala laga weydiin karo qorshayaasha soo socda.

Madaxda dowladda ayaa sida ka muuqata waxa kasoo baxay warar kala duwan oo is burinaayo, waana jahwareer ay ku suganyihiin Madaxda qaar, markii hore ayaa wax ay hubiyeen weerarka iyo Shabaabka lagu laayey, hase ahaatee kicin dad weyne oo ay adeegsanayaan qab qablayaal Habargidir ah ayaa kaliftey in madaxda ay muujiyaan nooc u eg in dhexdooda u ka jiro Jahwareer.

Sidoo kale Madaxda dowladd ayaa ku baaqeyn in ay sameyn doonaan baaritaan lagu ogaanayo xaqiiqda jirta, hase ahaatee xaqiiqda ayaa ah in Ciidamada Mareekanka iyo Ciidamada Kumandooska Soomaaliya ay fuliyeen weerar hubanti ah oo laga gaarey ujeedadii laga lahaa, iyadoo wax marmarsiiya ah aan loo heli karin dadka dagaalamayey ee la laayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE