Akhriso Wareegto Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya Oo Lagu Amrey In Ay La Hadli Karin Warbaahin Iyagoo Aan Ogolaasho Haysanin

Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku amrey Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya in ay ka hadli karin warbaahinta, iyadoo leysla ogeyn warka ay jeedinayaan.

Wareegto uu soo saarey Ra’iisalwasaaraha ayaa lagu sheegey in Golaha Wasiirada ay isticmaali karin Waraahinta qeybaheeda kala duwan, sida Baraha bulshada, Idaacadaha maqalka iyo kuwa leyska arko ee Tv-yada.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusey in Wasiirada Soomaaliya ay ka gaabsadaan ka hadlidda arimaha siyaasadeed ee xasaasiga ah, waxaana la farey in ogolaashao ay soo weydiistaan Xafiiska Ra’iisalwasaaraha islamarkaana leysla qorsheyo mowduuca laga hadlayo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE