Ciidamada Amaanka Ee Magalada Muqdisho Oo Ka Hortagey Qarax Lala Damacsanaa In Lagu Laayo Shacab Badan (Sawiro)

Ciidamada amaanka ee xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maanta fashiliyey weerar qarax oo lala damacsanaa in lagu qaado wadada mashquulka badan ee Makka almukaram.

Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxa lasoo dhigey meel ku dhow Geerishka Xaaji Baasto oo ku yaalla Wadada Shaqaalaha.

Ciidamada Xasilinta oo ka shakiyey Gaariga ayaa xirey dhamaan wadada, waxaana goobta ay ka kala eryeen shacab ka si loo yareeyo khasaaraha qaraxa laga cabsi qabey.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashey weerarka gaariga loo aqdeegsadey, marka laga reebo burbur kooban oo soo gaarey goobaha ganacsi ee wadada dhinaceeda ku yaalla.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE