Dagaal Culus Oo U Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Kooxda Alshabaab Oo Ka Dhacey Gobolka Shabeelada Hoose

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda fedaraalka ee Soomaaliya iyo Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa waxa uu ka dhacey deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda oo maraayey Deegaanka Golweyn ay soo weerareen Maleeshiyada Alshabaab, waxaana halkaas ku dhex marey dagaal culus oo labada dhinaca ay adeegsadeen hub maqalkiisu gaaraayey goobo ka baxsan goobaha lagu dagaalamey.

Warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab ayaa sheegtey in guullo ay kasoo hoyiyeen dagaalka Deegaanka Golweyn ay kula galeen Ciidamada dowladda Fedaraalka, waxa sidoo kale warka Shabaabka uu intaa ku darey in lala wareegey deegaankii lagu dagaalamey.

Illo ka madax banaan labada dhinax ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa warbaahinta gudaha u sheegey in Golweyn ay tahay deegaanka ka caagan labada dhinac oo dagaalka ka dib Ciidamada dowladda ay dib ugu laabteen saldhiga ay ku leeyihiin Buulomareer halka Shabaabka weerarka soo qaadey ay dib ugu laabteen halkii hore ee weerarka ay kasoo qaadeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE