Dhageyso Mid Ka Mid Ah Dhagarqabayaashii Ka Badbaadey Weerarkii Bariire Oo Qirey Inay Hubeysnaayeen

Mid ka mid ah dhagarqabayaashii ka badbaadey weerarkii lagu qaadey Saldhiga Kooxda Alshabaab ay k ulahaayeen Beer ku talla deegaanka Bariire ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta qirey in ay ahaayen koox hubeysan.

Dhagarqabahan ayaa Warbaahinta ka sheegey in muddo sanada ah saldhig ay ku lahaayeen Beerta weerarka uu ka dhacay, waxaana hadalkiisa fallaar miriidle ah uu ku noqdey qab qablayaal warbaahinta ka sheegey in la weerarey shacab aan hubeysney.

Waxa sidoo kale hadallkan uu uu burinayaa hadal kasoo baxay Taliyaha Ciidamada xoogga oo afkiisa ku taageerey qab qablayaasha Beeshiisa, waxaana sidoo kale warkan cusub oo noqonayaa mid soo if bixiya xaqiiqda jirta ee daaha la saarey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE