Dhageyso Wasiir Maxamed Xasan Faqe Oo U Tacsiyadeeyey Maleeshiyadii Shabaab Ee Lagu Laayey Howlgalkii Deegaanka Bariire

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo ka hadlaayey howlgalkii lagu qaadey Saldhigga maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ayaa soo saarey war cusub oo lala yaabey.

Mudane Fiqi ayaa marka hore u tacsiyadeeyey Maleeshiyadii Kooxda Alshabaab ee ku le’dey howlgalkii gaarka ahaa ee lagu qaadey saldhigga Bariire ku yaalla, waxaana uu muujiyey xanuunka uu ku haayo sida loo laayey Shabaabkii hubeysnaa.

Shirka jaraa’id ee Wasiirka Beeraha uu qabtey ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegey in Ka Koonfur galbeed ahaan ay ka xunyihiin weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda Beesha Caalamka.

Waxa uu tilmaamay hadii lagala tashan lahaa weerarkaas in ay baajin lahaayeen, isagoo hadalkiisa u dhigey in wax laga xumaado ay tahay tahay howlgallo lagu bartilomaameedsanayo kooxaha nabad diidka.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE