Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Doortey Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha

Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen xarunta Golaha ku doortay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Fadhiga saaka ay yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maamed Faarax ayaa waxaa fadhiyay golaha todobaatan xildhibaan.

Waxaana ku tartamay booska gudoomiye ku-xigeenka koowaad saddex xildhibaan oo kala ah, Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin (Casood) iyo Xildhibaan Xasan Hufane.

Waxaana ku guulaystay in uu noqdo gudoomiye ku-xigeeka koowaad ee golaha wakiilada Xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh Cali Ayaanle oo helay 50 kod, xildhibaan casood ayaa isna helay hal cod halka xildhibaan Xasan Hufane uu helay 16 cod saddex xildhibaana way ka aamuseen.

Xildhibaaada golaha wakiilada Somaliland ayaa khilaaf ka dhashay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada oo kala qaybiyay xildhibaada la soo afjaray todobaadkan Khilaaf kaasi ayaana sababay in dhawr jeer uu dib ay dhacdo doorashada gudoomiye ku xigeenka koobaad ee wakiilada Somaliland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE