Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Somaliland Weerar Lagu Soo Yahaya, Edeynna U Jeediyey Dowladda Farmaajo Iyo Kilalka Shanaad (Video)

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ENG Faysal Cali Waraabe oo Jeediyey Khudbad la yaab leh ayaa wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland Xiligan ay wajaheyso Xaaladii ugu Adkayd ee soo marta, isagoo dhinaca kale eedeeyey C.raxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo ah Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani.

Eng Faysal ayaa wuxuu sheegay in dhinacyo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay Weerar ku hayaan Somaliland “Maanta maalin ay inooga Xun tahay ma jirto, waxba yaan Been la isku sheegin, Cadow badan oo iskuu Xiran Baynu yeelanay, kasoo Bilow Kismaanyo, Xamar Oo Farmaajo kasoo baxay Garoowe iyo ( Kililka Shanaad), Sidoo kale dadkeena Qabyaalada ayaa lagu kala Kaxeeyay” Ayuu yir Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE