Kooxda Al-qaacida Oo War Kasoo Saartey Duqeyntii Lagu Diley Wakiilka Kooxda Alshabaab Ee Gobolka Banaadir

Bayaan kasoo baxay Urur weynaha Alqaacidda ayaa waxa looga warbixiyey weerarkii ay fuliyeen Ciidamada Mareekanka ee lagu diley Wakiilkii Kooxda Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseyn (Cali Jeesto) oo kooxda ay ugu yeeri jirtey Cali Jabal.

Warka Kooxda alqaacidda ayaa lagu xaqiijiyey geerida Cali Jeesto oo muddo sanada ah Wakiil uga ahaa Shabaab Gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale bayaanka tacsi loogu direy Kooxda Shabaab oo uu ka mid ahaa madaxdeeda sar sare.

Bayaanka Kooxda Alqaacidda ayaa imaanaya iyadoo War kale oo hore uu kasoo baxey Kooxda Shabaab oo xaqiijisey dilka Cali Jeesto oo diyaaradaha Mareekanka ay ku dileen deegaan ka tirsan Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE