Deegaanka Goob-weyn Ee Gobolka Jubada Hoose Oo Hurmar Iyo Bilic Ku Talaabsadey (Video)

Deegaanka Goobweyn waxa uu hoostagaa magaalada Kismaayo oo xarun Kumeel gaar u ah Maamulka Jubbaland, wuxuuna qiyaastii magaalada uu u jiraa 15-km magaalada waxa uu kaga beeganyahay dhanka Waqooyiga.

Goobweyn waa deegaan dadka ku nooli ay isugu jiraan Xoolo dhaqato iyo Beeraleey, waa halka uu ku egyahay webiga Jubba, islamarkaana uga daro badweynta Hindiya.

Waa deegaan aad u bilic qurxoon, islamarkaana soo jiita indhaha, Hareeraha webiga waxaa ku teedsan geedo Qumbe (Naarjiin) ah, iyo beero, kuwaa oo sii qurxinaya bilicda deegaanka.

Jubaland ayaa qorsheeyneeysa in deegaankaasi ay ka hirgeliso dhismeyaal bilic qurxoon, si ay ugu damaashaad tagaan dadka booqashada ku yimaada magaalada Kismaayo.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Kismaayo yimid Bishii July 13-keedii, oo ahayd markii Kismaayo ay martigelisay shirkii golaha wasiirada ayaa mar uu booqasho ku tagay deegaanka Goobweyn waxa uu amaanay khayraadka kala duwan ee uu Eebbe ku maneystay deegaankaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE