Dhegeyso Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyey Deegaan Hoos Taga Degmada Caluula Ee Maamulka Puntland

Diyaarado nooca dagaalka ah ayaa la sheegay in ay duqayn ka gaysteen deegaan hoostaga degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee deegaanada Maamulka Puntland ,mana la sheegin cid ay si gaar ah u beegsadeen diyaaradahan.

Ma jirto cid ku geeriyootay duqayntan oo ka dhacday deegaanka Afkalahaye oo 35 km u jirta degmada Caluula sida uu sheegay Ayaanle C/laahi Bille.

Diyaarado dagaal oo baacsanaya kooxaha burcad badeedda ayaa xilliyada qaar duqeymo ka fuliyo deegaano ku yaala Gobolada Bari, waxaana duqeymahaas ay khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE