Gudi Madadaalin Ah Oo Loo Direy Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa maanta gaarey Gudi ka socda dowladda fedaraalka ee Soomaaliy, kuwaas oo dhinaca dhulka ku safrey.

Gudigan oo isugu jira Saraakiil ka tirsan Wsaaradda Gaashaandhigga, Sirdoon ka socda hey’adda dembi baarista CID, iyo maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa la sheegayaa in kulamo ay la leeyihiin Saraakiisha Ciidamada xoogga ee Bariire ku sugan.

Warar horudhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in Gudiga ay booqdeen saldhigii Alshabaab ee habeennimadii Jimcaha weerarka uu ka dhacay, si halkaas ay uga bilaabaan baaritaanka madadaalada ah.

Dhammaan saraakiisha iyo maamulka Gobolka ayaa loo diidey in ay warbaahinta war siiyaan, waxaana lagu wargeliyey in marka laga laabto safarka hal qof loo qorsheyn doono sidii warbixin uu u siin lahaa warbaahinta.

Gudioga maanta gaarey Bariire ayaan aheyn kii maalintii Sebtida la magacaabay, waxaana tani ay ka dhigantahay in Gudigii ka koobnaa Wasiirada iyo xillibaanada ay ku dhiiran waayeen baarista lagu sameynayo howlgal lagu laayey Alshabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE