Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow Iyo Janaraal Cabdulaahi Waafow Oo Shir Ku Leh Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo socdaal shaqo ku jooga Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kulamo waxa uu la qaadanayaa Maamulka halkaasi ka jira.

Wararka aan heleyno ayaa ku waramaya in kulan xasaasi ah ay leeyihiin Gudoomiye Yariisow iyo Janaraal Waafow, kulankaas oo albaabada uu u xiranyahaya, iyadoo la ogeyn waxyaalaha  ay ka wada hadlayaan.

Sida aan warar hoose ku helnay labada Mas’uul ayaa ka wada hadlaya xaaladda magaalada Marka iyo arimaha nabadeynta ee Beesha Biimaal ay ku baaqdey, waxaana laga yaabaa in mas’uuliyiinta ay isla meel dhigaan qorshaha ku aadan xasilinta Gobolka oo door weyn ay ku lahaan doonaan.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali  Yariisow waxa sanadii 2015-kii xilka ka qaadey maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa weli wuxuu ku adkeysanayaa in uu yahay Gudoomniyaha saxda ah ee Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE