Janaraal Galaal Oo Dowladda Itoobiya Kula Heshiiyey In Uu Ka Mid Noqdo Wakiillada U Jooga Gobolada Dhexe

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in Janaraal Maxamed Nuur Galaal iyo dowladda Itoobiya ay heshiis ku galeen in ay ka wada shaqeeyaan arimaha Sirdoonka, ee dowladda Itoobiya ka damacsantahay Soomaaliya.

Janaraal Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa ragii lasoo dagaalamay dowladda Itoobiya Sanadii 1977, ayaa hada lasoo sheegayaa in uu ku qancey la shaqeynta sirdoonka Itoobiya.

Arintan ayaa soo if baxdey ka dib markii salkaal ka tirsanaa Ururka Xoreynta dhulka Ogaadeeniya lagu qabtey magaalada Gaalkacyo isagoo kusii socdey Magaalada Cadaado, Ninkaas oo ugu dambeyn loosoo dhoofiyey magaalada Muqdisho.

Sirdoonka dowladda Itoobiya ayaa saraakiil magac ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed u adeegsada kala shaqeynta xagga sirdoonka, mana ahan wax cusub in Janaraal Galaal lagu eedeeyo arimaha soo if baxey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE