Madaxweynaha Puntland Oo Magaalada Jiddah Kula Kulmay Amiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay Amiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi oo ka mid ah qoyska Boqotooyada.

Mudane Gaas iyo Amiir Suldaan ayaa ka wada hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Sacuudiga, maalgashiga deegaanada Puntland iyo iskaashiga xagga istaraatiijiyada.

C.weli Gaas ayaa uga mahadceliyey amiirka soo dhaweynta uu u sameeyey iyo kulanka uu la qaatey, waxaana natiijo wanaagsan uu ku tilmaamey shirka labada dhinaca ay wada yeesheen.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka Boqortooyada Sacuudiga u jooga sidii uu usoo gudan lahaa waajibaadka Xajka, isagoo ka mid ah malaayiin muslimiin ah oo sanadkan alle uu waafajiyey inay gutaan mid ah waajibaadka lagu leeyahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE