Shir Looga Hadlaayo Soo Celinta Qaxootiga Soomaaliya Oo Ka Furmey Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmey shir looga hadlaayo qaxootiga Soomaaliyeed ee si iskood ah dalka ugu soo laabanaya iyo weliba kuwa kale ee dalka gudihiisa ku barakacay. Shirkan ayaa la doonaayaa in ay ka soo baxaan talooyin iyo xal.

Shirka waxaa furey Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashaneyso Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaa dhaqaalaha ku abxaaya shirka bixineysa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Qaxooti badan oo muddo ku noolaa dalka Kenya ayaa si iskood ah dib ugu laabtey Soomaaliya sanadihii u danbeeyey, kuwaas oo qaar kamid ah mar kale dib ugu noqdeen xeryihii ay ka soo baxeen maamaada aysan jirin siyaasad iyo miisaaniyad dib loogu dejin karo dadkaas.

Shirku waxauu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaana diirada lagu saarayaa sida xal loogu heli karo qaxootiga soo laabanaya iyo barakacayaasha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE