Xog Gudigii Maanta Loo Direy Deegaanka Bariire Oo Loo Soo Bandhigey Waxa Dhabta Ah Ee Dhacay Iyo Shuruud Adg Oo Lagu Xirey Sii Socoshada Howlgallada

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta waxa gaarey saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, si ay usoo sameeyaan baaritaan madadaalo ah.

Ilaa sideed Janaraal oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo direy Bariire, waxaana kulanka ugu horeeya ay la qaateen Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee dhawaan kooxda Alshabaab ka saarey deegaankaasi.

Warar si hoose ay u heleyso shacakadda Markacadey.com ayaa ku waramaya in Gudiga loosoo bandhigey hub iyo agab kale oo loo adeegsado waxyaabaha qarxa oo laga soo qabtey Beerta uu ku yaallo saldhigga Alshabaab ee howlgalka uu ka dhacey.

Agab u badan Bambo gacmeed iyo Baallootooyinka Sawanada (RPG) ayaa loo soo bandhigey Saraakiisha Wasaaradda Gaashaan dhiga ka socotey, iyadoo markii meesha la gaarey uu isbedeley dareenka safarka oo wax aanay fileynin la kulmey.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga oo deegaanka Bariire ka xoreeyey Maleeshiyada Alshabaab ayaa Gudiga hor dhigey shuruud adag oo dib ay ula soo laabteen Jawaabteeda, waxaana la weydiiyey in aanu sii socon karin howlgallada Shabaab lagu baacsanayo maadaama aanay xor u aheyn shaqooyinkooda.

Dhinaca kale Saraakiisha Bariire ku sugan ayaa sheegey in rasaas lagu bilaabay uu ka yimid dagaalka khasaaraha badan dhaliyey ee halkaasi ka dhacay.

Wixii kale Warbixin ah ee Gudiga ay kala soo laabteen Bariire halkan ayaan kusoo gudbin doonna insha allah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE