Hogaamiyihii Hore Ee Hirshabelle Oo Maanta Ka Guurey Jowhar, Kuna Dhawaaqey War Dad Badan Ka Yaabiyey (Video)

Hogaamiyihii xilka laga tuurey ee Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa shaaca ka qaaday in boorsooyinkiisa uu ka rartay magaalada Jowhar, isagoo maanta gaaray magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in wixii maanta ka danbeeya uu deegaan u noqon doono magaalada Beledweyne, isla markaana ay uga dhamaatay magaalada Jowhar.

Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa tilmaamay in uu ka soo guuray Jowhar, uuna ku shaqayn doono Baledweyne.

Waxa uu cadeeyay inuu yahay Madaxweynaha Saxda ah ee Maamulka Hirshabelle, wuxuuna Xusay inuu ku shaqeyn doono Magaalada Baledweyne. Waxa uu Madaxda dowlada ku eedeeyay inay soo farageliyen Maamulka Hirshabelle, isla markaana ay ka shaqeeyen, sida aan sharciga ahayn ee xilka looga tuuray, sida uu yiri.

Magaalada Jowhar maanta waxa loogaga dhawaaqey Gudi dardargelinta doorashada Madaxwenaha bedeli doona Cosoble oo xilka laga qaadey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE