Laba Warbixin Oo Laga Filayo Gudiga Baaritaanka Dhacdadii Bariire, Iyo Janaraal Sheegow Oo Ka Badbaadey Dabinkii Habargidir (Warbixin)

Maamlintii shalay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose waxa tagey Gudi la sheegay inay baarayaan Weerarkii habeennimadii Jimcaha ka dhacay Saldhig Kooxda Alshabaab ay ku leeyihiin Beer halkaasi ku taalla.

Gudiga ayaa intiisa badan ka koobnaa Janaraallo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay baaritaanka hore ka bilaabeen Saraakiil Caddaan ah oo xarun ku leh deegaanka Bariire.

Saraakiisha Cadaanka ayaa la yimid cadeymo aan la beenin karin, hub iyo saanad milateri oo laga soo qabtey saldhiga howlgalka ka dhacay ayaa lasoo bandhigey iyo muuqaallo ay duubeen diyaaradaha basaaska ee ka qeyb qaata sahminta goobaha lagu tuhunsanyahay cadowga.

Waxa kale oo ay la kulmeen gudiga Sarkaalkii hogaaminayey Ciidamada Soomaaliga ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaana Sarkaalkaas uu faafaahiyey cidda weerarka lagu bartilmaameedsadey iyo waxa ka dhacay halka la weerarey.

Beerta Weerarka uu ka dhacay ayaa dad loogu tagay ay sheegeen in weerar gardarada ah lagu soo qaadey, waxaana ay inkireen inay ahaayeen dad hubeysan, laakiin gudiga baarista ee goobta joogey ayaa waxa ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Awdhdeegle oo beeniyey in hub la’aan meesha lagu hoyan jirey, isagoo intaa hadalkiisa raaciyey in Maamulka uu ka mid yahay uu sharciyeeyey hubka ay haaysteen.

Gudiga oo laba koox u kala jabay markii Beerta la tagay ayaa qaarkood waxa ay diideen in ay Sawiro iyo cadeymo ay ka qaadaan goob burbursan oo uu ka dhacay iska hor imaad toos islamaraakana ay ka muuqdaan meel ay ku yaallaan rasaas laba kooxood ay is dhaafsadeen.

Xog aan ka helney Gudiga halkaasi gaarey ayaa sheegay in cadeymo loo haayo dhab ahaanshaha weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsadey Maleeshiyaad hubeysan oo gacan saar la leh Alshabaab ama ka mid ah.

Waxa laga yaabaa in Gudiga Baaritaanka dhacdadii Bariire ay soo saaraan laba Warbxin oo lagu kala raali gelinayo Beesha Habargidir oo sida muuqata ku doodeysa lahaashaha dhul beereed ay xoog ku haaystaan, islamarklaana raadineysa sharci inay deegaan ku tahay Bariire iyo Ciidamada Howlgalka fuliyey oo cadeymo soo bandhigey.

Qalqalka ka muuqda Madaxda Dowladda ayaan la imaan karin cadaalad iyo hal adeyg, ay kaga hortagaayaan bulsho kicinta iyo baroorta xargaha goosatey ee Habargidir, waxaana ay u muuqdaan kuwo ku sabar siinaya in uu dhacay qalad lagu weerarey Beeraley hubeysnaa oo cadow ka gaashaamanayey.

Taasi bedelkeeda waxa la difiri karin howlgalka ay ka qeyb qaateen Ciidamada Mareekanka iyo kuwa Soomaaliya oo lagu burburiyey Shabakad argagaxiso oo meel isku aruursanayaayey, waxaana dhici karta in waji kale ay yeeshaan howlgallada qorsheysan.

Dhina kale waxa dhab noqotey oo la xaqiijiyey In Janaraal Sheegow aanu waxba kala socon howlgalkii habeenkii Jimcaha khasaaraha badan uu soo gaarey Maleeshiyada argagaxisada ah ee Alshabaab.

Arintan ayaa ka dhigan in Jaraal Sheegow uu ka badbaadey dabin loo dhigey meel ciriiri ah oo lagu damacsanaa in looga soo wareejiyo howlgalka sida libinta leh ku bilowdey ee Alshabaab looga xoreeyey deegaanka Bariire.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE