Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Badda Liido Kula Damaashaadey Dadweyne Halkaasi Ku Subnaa (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysey maanta booqdey Xeebta Liido oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo ay hareera socdaan Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa Xeebta Liido kula damaashaadey dad fara badan oo xilligaas Xeebta ku sugnaa, waxaana uu la qeybsadey neecaawda iyo tamashleynta Xeebta.

Baararka ku yalla Xeebta Liido ayaa Madaxweynaha kula caweeyey dadweyne ku sugnaa, qaarkood ayuu la waadey sheekooyin kaftan iyo qosol leh.

Ugu dambeyn dhalin yaro kubadda cagta Ciyaareysay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si kooban uu ula ciyaarey, isagoo kula kaftamey in uu weli  xasuusto Ciyaarihii uu ciyaari jirey wagii uu dhalinta yaraa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE