Raysalwasaaraha Soomaaliya Oo U Yeerey Wasiiradda Ganacsiga Soomaaliya, Ka Dib Kala Diritii Rugta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u yeeray inay Muqdisho ku soo laabato Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Ducaale oo safar shaqo ah ku joogta magaalada Nayroobi, kaddib markii Wasiirada ay soo saartay qoraal ay ku kala direyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ka carooday tallaabada ay Wasiirada ku kala dirtey Rugta Ganacsiga, iyadoo aan markii hore lagu soo wargelin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Iyadoona Wasiirada Ganacsiga Khadar Axmed Ducaale la filayo in maanta soo gaarto magaalada Muqdisho.

Wasiirada Ganacsiga ayaa maalin ka hor u ambabaxday magaalada Naryoobi, inta aysan soo saarin qoraalka ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga, waxaana Tallaabada ay qaaday wasiirada ayaa la sheegay inay ku lug leedahay khilaaf u dhaxeeya ganacsato iyo rag siyaasiyiin ah, iyadoo Wasiirada, Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha ay arrintan isku mowqif ka yihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE